Salma Group of Companies

Salma Groups waxaa la aas aasay sanadii 1995, waxaana laga aas aasay magaaladda Dhagaxbuur ee wadanka Ethiopia
muddo kooban gudaheedna Salma waxay noqotay mid kamid ah shirkaddaha ugu waaweyn gobolka geeska Africa ee keena noocyadda kala duwan ee raashinka iyo sidoo kale adeegyo dhawr kale.
Salma maanta waa magac weyn oo balaaran marka loo eego shirkaddaha gobolka. hadaba si aad wax uga ogaato Salma iyo ageedyadeeda Fadlan buttonka hoose guji

GUJI

XASSAN WALI HOTEL


Salma Waaxda Raashinka.

Waxaa al aas aasay bilowgii sanadii 1995, waana waaxda ugu weyn qaybaha ama shirkaddaha ay Salma Group of Companies ka koobantahay, waxaa sidoo kale la oran karaa, waa muwazaca ugu wayn mandiqada...

MORE ...

Haji Nour International FZC

Haji Nour Freezone Co, waa farac kamid ah shirkaddaha Salma groups, Xaruntiisuna ku taal magaaladda Shaariqa ee wadanka Imaaraatka Carabta, Waa shirakadda u qaabilsan shirkaddaha Salma xiriirka dibadda iyo adeegyada dibada ah sidoo kale waa laanta labaad marka laga soo tago waaxda Raashimadda.

MORE ...

SGC Waaxda Gaadiidka iyo Dhismaha

waa qayb kale ama shirkad kale oo kamid ah Shirkaddaha Salma Groups, xarunteeduna tahay magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia, waaxdan ayaa ah mid la ku xiran lana shaqaysa waaxyaha kale ee shirkadda sidoo kalena wakiil gaar ah uga ah, mashaariicda shirkaddu ka fuliso dowlad deegaanka.

MORE ...

SGC Electronic and Cosmetics

SGC Electronic and Cosmetics ayaa ah shirkadda dibada ka keenta electrooniga iyo sidoo kale waxyaalaha la isku qurxiyo, shirkadda ayaa faracyo kala duwan ku leh magaalooyinka Somaliland, shirkaddan ayaa ah tan ugu dada yar shirkaddaha Salma, muddo kooban gudaheedna waxa ay kamid noqotay shirkaddaha ugu magaca dheer gobolka .

MORE ...

Waaxda Iibinta Qalabka Dhismaha ee Daryeel

Daryeel waxaad ka heli kartaan qaybaha kala duwan ee qalabka dhismaha, sida garaa'idka, muraalaha, marmarka, jiingada, iyo qaybaha kale ee dhismaha, sidoo kale daryeel waxay idiinla diyaar yihiin adeeg idin raali galiya xili walba, xafiisyadda Daryeel waxay ku kala yaalaan magaalooyinka Hargeisa, Somaliland, Jigjiga, Ethiopia iyo magaaladda Nairobi, Kenya.

MORE ...

Adeegyo Cusub

Adeegyo Cusub oo ay Shirkaddu idiin kugu soo kordhisay faracyadeeda

b4acdd03-bd52-46dc-a1e7-3de2137c7755-2